SEDDEX ARIMOOD OO AY TAHAY IN WAX LAGA OGAADO.
1-Ilaahay Nabadda iyo Colaadda Nabadda ayuu jecel yahay oo uu doonayaa!!!waayo Nabadda wuu dhiiri galiyay,ilaalinteedana wuu ka dardaarmay,magacyadiisa ayuu ku daray ASSALAAM oo Nabad ah,Salaanta la isku salaamo ayuu Nabad ka dhigay,intii salaadaha lagu jiro intaasoo goor ayuu dadka faray in ereyga nabadda la soo celceliyio,xitaa Salaaddii baa looga baxaa salaama naqsiga oo ah erayo Nabad ka tarjumaya..
Markii Salaada sidaa looga baxana waxa xiga oo Rasuulka scw ina baray inaan niraahno:-
اللهم انت السلام ومنك السلام
Ilaahoow adaa Nabad ah xagaada ayayna Nabada ka ahaataa.
Wuxuu ka digay oo diiday waddo kasta oo Amniga iyo Amaanka carqaladaynaysa,sida jidgooyada iyo cabsi galinta,wuxuuna u yaboohay Cadaab daran cid kasta oo Amaanka khatar galisa.
"إِنَّمَا جَزَاءُ الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَيَسْعَوْنَ فِي الْأَرْضِ فَسَادًا أَن يُقَتَّلُوا أَوْ يُصَلَّبُوا أَوْ تُقَطَّعَ أَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُم مِّنْ خِلَافٍ أَوْ يُنفَوْا مِنَ الْأَرْضِ ۚ ذَٰلِكَ لَهُمْ خِزْيٌ فِي الدُّنْيَا ۖ وَلَهُمْ فِي الْآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ "
“Kaliya waxaa abaalkoodu yahay kuwa Alle iyo Rasuulkiisa la dagaalamaya ee Dunida ku fidinaya Fasaadka in la dilo ama la salbiyo ama Gacmahooda iyo Lugahooda si is dhaaf ah loo jaro,ama la xiro oo ifka laga qariyo,sidaa ayay Adduunyada ugu leeyihiin Hoog Aakhirana ay ku leeyihiin Cadaab weyn”.
Xitaa Rasuulkii uu Umaddan usoo diray ayuu Eebe ku salintiisa ka dhigay kalmado Nabad ka tarjumaya صلي الله عليه وسلم
“Nabad iyo Naxariis Nabiga dushiisa ha ahaato.”.
Waxaa kale oo uu Rasuulkiisa soo faray kalmado Muslinimadiiba ka dhigaya inay tahay Nabadda oo kaliya oo wuxuu yiri Muslim waxaa ah midka ay Dadka ka nabad galaan Afkiisa iyo Adinkiisa.
“المسلم من سلم الناس بلسانه ويده.
Si maniga loo sugo oo Nabadda loo ilaaliyo wuxuu sharciyeeyay in Naf iyo maal loo huro oo lala diriro oo la joojiyo haddii laga fursan waayo kuwa xoriyadda Dadka iyo amniga Dalka iyo Dadka iyo Diinta duulaan ku soo qaada.
Oo wuxuu Eebe yiri:-
"أُذِنَ لِلَّذِينَ يُقَاتَلُونَ بِأَنَّهُمْ ظُلِمُوا ۚ وَإِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ نَصْرِهِمْ لَقَدِيرٌ (39)"
Kuwa lala dirirayo ee la dulmiyay waxaa loo baneeyay in ay isdifaacaan Ilaahayna waa karaa inuu u gargaaro”.
Wuxuu kale oo yiri Eebe:-
وَقَاتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ الَّذِينَ يُقَاتِلُونَكُمْ وَلَا تَعْتَدُوا ۚ إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ الْمُعْتَدِينَ (190)
"Jidka Alle kula dagaalama oo iska celiya kuwa idinla diriraya oo kaliya hana xadgudbina waayo Eebe ma jecla kuwa xadgudbaya".
Rasuulka scw wuxuu yiri:-
ولا تتمنوا لقاء العدوواسالو الله العافية فاذا لقيتم فاثبتوا.
Ha jeclaysanina inaad Cadow la kulantaan oo Ilaahay badqab weydiista,haddiise aad ka fursan weydaan ood la kulantaan Cadow sugnaada oo sutida uqabta si aad isu difaacdaan.
Nabad jacaylka islaamka waxaa u daliil ah in qolada ku soo duushay islaamka xitaa haddii ay nabad doonayaan in laga aqbalayo oo aan dagaalku xal ahayn.
۞ وَإِن جَنَحُوا لِلسَّلْمِ فَاجْنَحْ لَهَا وَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ ۚ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ (61)
“Hadii ay Nabad doonayaan oo ay ku baaqaan ka aqbal oo Eebe talo saaro”.
وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَسَلَّطَهُمْ عَلَيْكُمْ فَلَقَاتَلُوكُمْ ۚ فَإِنِ اعْتَزَلُوكُمْ فَلَمْ يُقَاتِلُوكُمْ وَأَلْقَوْا إِلَيْكُمُ السَّلَمَ فَمَا جَعَلَ اللَّهُ لَكُمْ عَلَيْهِمْ سَبِيلًا (90)
“Haddii Alle dooni Gaalada wuu idinku salladi lahaa markaasay idinla diriri lahaayeen,ee haddii ay idinka dheeraadaan oo aysan idinla diririn oo ay Nabad idiinkugu baaqaan,hadde kolkaa Eebe idiinma yeelin jid aad kula dirirtaan ood dagaalka ugu sii waddaan”.
Xitaa dagaalka wax iska caabinta ah ee Muslimiinta la faray ayuu Eebe Sabab iyo reason u yeelay,taasoo ah in ay Gaaladu iyagu Musliinta ku billaabeen dagaalka markii hore oo ay Ballantii is nabad galinta ka baxeen.
﴿ أَلَا تُقَاتِلُونَ قَوْمًا نَّكَثُوا أَيْمَانَهُمْ وَهَمُّوا بِإِخْرَاجِ الرَّسُولِ وَهُم بَدَءُوكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ ۚ أَتَخْشَوْنَهُمْ ۚ فَاللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخْشَوْهُ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ﴾
“War miyeydaan la dagaalameynin-oodan iska dhicineynin-Qoom Ballantii idiinka baxay oo damcay in ay Rasuulka barakiciyaan,oo iyaga ah kuwa Dagaalka idinku billaabay markii horeba,oo miyaad ka cabsanaysaan,Ilaahay ayaa mudan in aad ka cabsataan hadaad Mu’miniin tihiin”.
2-Ilaahay faqriga iyo wax haysashada wax haysashada ayuu doonayaa,waayo wuxuu amaanay oo dhiiri galiyay dariiq kasta oo xalaal ah oo hanti lagu samaysan karo,sida Shaqada,Aqoonta,Xirfadaha iwm,wuxuuna ka digay Cajsiga iyo Wahsiga,iyo wado kasta oo carqaladayn karta in ay Dadku wax tacban waayaan,sida Amni xumo,Boobka, Khayaanada iwm.
wuxuu adoomadiisa ugu galad sheegtaa gaajo ka quudinta,wuxuu dadka faraa wax bixinta si aan loo arag cid macduur ah oo gaajaysan.
“الَّذِي أَطْعَمَهُم مِّن جُوعٍ وَآمَنَهُم مِّنْ خَوْفٍ (4)
“Ha Caabudeen Rabiga Gaajo ka quudiyay ee Cabsina ka Magan galiyay”.
Rasuulku scw wuxuu yiri:-
"نعم المال الصالح للمرء الصالح". رواه أحمد وغيره وصححه الألباني.
“Maal waxaa u wanaagsan midka Qof wanaagsan Gacantiisa ku jira”.
Wuxuu kale oo uu rasuulka scw ku yiri sacad ibnu abii waqaas rc:-
“إن تذر ورثتك أغنياء خير من أن تذرهم عالة". رواه البخاري•
“Inaad ka tagto caruurtaada iyo ehelka dhaxalkaaga leh iyaga oo qani ah ayaa ka qiimo badan inaad ka tagto iyaga oo fuqaro ah”.
Islaamku wuxuu dhiiri galiyay kasabka iyo Shaqada oo wuxuu Dadka ugu baaqay inay ka xoogsadaan oo Irsaaqadooda ka raadsadaan Dhulkaa Eebe u sakhiray ee uu wax kasta ugu diyaariyay.
"هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ ذَلُولًا فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِن رِّزْقِهِ ۖ وَإِلَيْهِ النُّشُورُ".
Eebe waa midka idinkaga dhigay Dhulka mid idiin dullaysan ee ku socda dacaladiisa oo ka doonta risqigiisa ogaadase in Alle xagiisa laydiin soo kulmin doono geerida dabadeed”.
Rasuulka scw wuxuu yiri:-
" لأن يحتطب أحدكم حزمة على ظهره خير له من أن يسأل أحدًا فيعطيه أو يمنعه))؛ متفق عليه.
“Inuu Guntin Xaabo ah midkiin degta u soo rito oo uu iibiyo oo uu kaga maarmo gacmo hoorsiga ayaa oga khayr badan inuu Qof baryo ama ha siiyo ama ha u diidee”.
3-Ilaahay Cilmiga iyo Jahliga Cilmiga ayuu jecel yahay,waayo in wax la barto ayuu dhiiri galiyay oo Dadka faray,wuxuu marar badan ku celceliyay Quraanka dhexdiisa inay Dadka wax bartay ka fadli badan yihiin kuwa aan wax baran.
"قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ ۗ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُولُو الْأَلْبَابِ (9)
Waxaad ku tiraahdaa oo miyay siman yihiin kuwa wax bartay ee wax garanaya iyo kuwa aan waxba garanaynin,Xaqiiqdu waxay tahay waxaa uun waansama oo wax ku qaata waaya kuwa Caqliga ka shaqaysiiya”.
Wuxuu kaloo mar kale yiri:-
"إِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ ۗ
Ilaahay adoomadiisa kuwa wax bartay ee Culimada ah uun baa ka yaaba oo Xumaha iyo Wadiiqooyinka khaldan ee waxyeelada leh ka dhowrsada”.
Rasuulka scw wuxuu yiri:-
"قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: إن الله وملائكته وأهل السموات والأرضين حتى النملة في جحرها وحتى الحوت ليصلون على معلم الناس الخير))
"Ilaahay iyo Malaa’igtiisa iyo inta Samada iyo Dhulka joogta,xataa Quraanyada godkeeda ku jirta,xitaa Kalluunka Badda ku jira waxay ku sallinayaan oo u ducaynayaan kuwa intay wax barteen dadka Khayrka baraya oo wixii ay soo barteen Dadka sii baraya”.
Waxaa la ogaaday inta badan Dadka wax barta ee aqoonta leh haddii ay hanuun helaan inay noqdaan dadka ugu Alle ka dhowrsiga badan ee Eebbe ka yaaba mar kasta oo u qadariya si ayan Dadka kale uqadarin Eebbe.
Si taa la mid ahna Qofka leh Aqoon iyo Waaya aragnimo uu Arimahiisa Dunida ku maareysto marna lama mid noqon karo Qof dayeysan oo ay Aqoon darro iyo Waayo aragnimo la’aan wax badan oga hallaabaan.
0 Comments